Guudlaawe oo maanta dhagax dhigay mashaariicdii ugu badneyd

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada Jalalaqsi.

Kormeerkan iyo dhagax dhigan ayaa waxaa Cali Guudlaawe ku wehlinayayadaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, qaar ka mid ah golaha wasiirrada, xubno baarlamaanka, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha degmada.

Mashaariicdan oo ah kuwii ugu badnaa ee uu dhagax dhigo madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xarunta maamulka degmada

2. Saldhig booliis

3. Suuqyada ganacsiga iyo xoolaha

4. Maxkamadda degmada

4. Dugsi hoose, dhexe (Tardo)

5. Nalalka cadceeda

6. Iskoolka xanaannada carruurta

7. Dayactirka buundada

8. Daah-furka mashruuca taakulaynta bulshada nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).

Sidoo kale Guudlaawe ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi, Garoonka Diyaaraddaha, iyo Buundada waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan. Waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Gobalka Hiiraan waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.



Source link