Guddoonka Labada Aqal oo lagu eedeeyay in ay jeebka u galeen Villa Somalia una adeegayaan

Posted on

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in ay gabeen waajibaadkii loo xil saaray, waxaana gudoonka la tilmaamay in ay  jeebka u galeen madaxtooyada Soomaaliya kana shaqeenayaan danaheeda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoonka labada Aqal iyo sidoo kale madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasigan mucaaradka ah ayaa sheegay in guddoonka labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi in ay jeebka u galeen Villa Soomaaliya , waxa uuna intaa ku daray in kaliya ka shaqeenayaan danta iyo rabitaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka qaadeen baarlamaanka oo sharaftii ay ka qaadeen oo awooddiisi xil-gudasho, la-xisaabtan, daba-gal iyo kor-joogtayn meeshiiba ka baxeen,waxaa la qiimo tiray labadii Aqal ee baarlamaanka, waxayna guddoonkii jeebka u galeen Madaxtooyadda oo ay ka shaqeeyaan wax aleele iyo wixii ay rabeen, waxaana meeshaasi ku dhintay isla xisaabtankii.” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale sheegay in Villa Soomaaliya laaluushtay inta badan xildhibaannada labada Aqal, ayna siisay qaarkood xilal kuwa kalana la  siiyay dhaqaale iyo dhulal si aysan uga hor imaan rabitaan Villa Somalia.

Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh hadda u harsan tahay wax ka yar labo sanno uuna rabo hadda muddo kororsi, waxa uuna intaa raaciyay in safaro aan mico laheyn Madaxweynaha mar kasta u baxo kuna baxaan dhaqaalo badan.

Hadalka siyaasigan ayaa kusoo aadaya xilli muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka harsan tahay wax ka yar labo sanno ayna muuqaan qaban qaabada doorasho qof iyo cod ah uu horey u ballanqaaday Madaxweynaha in la qaban doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link