Guddiga doorashada Jubbaland oo maanta qaadaya tallaabadii u horeysay

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha maamulka Jubbaland ayaa maanta la filayaa inuu qaado tallaabadii u horeysay ee doorashada, taas oo ah soo saarista habraaca ay marayaan soo xulista xildhibaanada cusub.

Guddiga ayaa isbeddel ku sameeyay qaabkii 2019-kii loo soo xulay Xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka maamulka Jubbaland, sida ay Wararka Maanta u sheegeen xubno ka agdhow guddiga.

Guddigan oo uu dhawaan magacaabay madaxwayne Axmed Madoobe ayaa waxaa si adag uga soo horjeestay dowladda federaalka oo ayadu sheegtay “in aan la aqbali doonin in dalka ay ka dhacdo wax aan ka ahayn doorashooyinka qof iyo cod.”

Axmed Madoobe oo kala furteen dowladda dhexe ayaa haatan u muuqda in uu dhagaha ka xirtay amar kasta oo kaga yimaada dowladda federaalka, islamarkaana uu qabsanayo doorasho uu u madax-banaan yahay maamulkiisa.

Kadib soo xulista Xildhibaanada maamulka waxa la guda gali doonaa doorashada madaxweynaha Jubaland, taas oo ay u muuqataa in markale dib loo dooran doono Axmed Madoobe, oo asagu caan ku ah qabsashada doorasho uu kusoo laabto.

Axmed Madoobe ayaa abaabul culus ka wada Kismaayo, waxaana ka go’an inuu qabsado doorasho uu hubo inuu ku soo laabanayo, balse dowladda federaalka ayaa sameysay qorshe kasta oo damaca Axmed Madoobe ay uga hortegi karto.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka baaqday ra’iisul wasaare Xamza oo damcay inuu u safro Kismaayo, balse waxaa si cad ugu diiday maamulka Axmed Madoobe oo gacanta ku haya maamulka garoonka diyaaradaha.



Source link