Guddi uu madax u yahay Wasiir Xoosh oo ka shiray arrin culus oo loo xilsaaray

Posted on




Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta markale Muqdisho ku yeeshay kulankoodii labaad si ay u dardar geliyaan howlaha loo igmaday.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa waxaa qayb ka ahaa xubnaha guddiga heer wasiir, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaar garowga iyo qaban qaabada.

Waxaa sidoo kale shirkan looga dooday  kaalinta hay’addaha kala duwan ee ku aaddan munaasabadaha maalmaha Xoriyadda iyo sidii guud ahaan dalka looga wada xusi lahaa si ka duwan sidii loo xusi jiray Sannadihii hore maadama sannadka laga xusayo deegaano badan oo laga Xorreeyey al shabaab.

Somalia ayaa waxaa sanad kasta laga xusaa maalmaha xoriyada ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo oo ku beegan markii ay gobolada woqooyi iyo Koonfurta ka kala xoroobeen isticmaarkii Ingiriiska iyo talyaaniga ah, isla markaana ay labada gobol ku midoobeen Jamhuuriyada Somalia.




Source link