Muqdisho (Wararka Maanta) – Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis cusub.
Golaha Wasiirrada ayaa caawa shirkooda deg degga ah ku ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka shir guddoomiyey, waxaana looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda, sida lagu shaaciyey qoraal laga soo saaray shirkaas.
Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga.
Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.
Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.