Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe.



Source link