Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay xeer xasaasi ah

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa ansixiyey xeerka dhismaha xafiiska amniga qaranka oo ay wasaaradda amniga guduha soo gudbisay.

Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa wasaaradaha qaar ee xukuumadda looga dhageystay warbixninno ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Waxaa warbixinta kulankii maanta looga dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan caasimadda iyo deegaannada hoos yimaada.

Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa iyadna ka warbixisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Intii kulanka uu socday, golah ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas-aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed waxa uu ka dhageystay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

Si kastaba, xeerkan ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada ee soo gudbiday wasaaradda amniga ayaa ah mid xasaasi ah, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dhismaha xafiiska amniga qaranka.










Source link