Golaha wadatashiga oo yeeshay shir ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo DENI + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sii wada kulamadooda, xilli uu shirka isaga baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si wayn uga biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka maanta ay yeesheen golaha ayaa ka dhacay guriga ra’iisul wasaare Xamza, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug,

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka ahaa shirarka weli u socdo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen hoyga Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamae Cabdi Barre oo qado sharaf ku maamuusay xubnaha Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inkastoo shirka uu ka baxay Axmed Madoobe, horana ay uga maqneyd Puntland ayaa waxaa xalay ra’iisul wasaare Xamza oo qabtay shir jaraa’id uu sheegay in uu sii soconayo shirka, lagana soo saari doono go’aanno iyo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu xalay yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab.

“Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.”



Source link