Golaha amaanka QM oo daqiiqad u aamusay Madaxweynihii geeriyooday ee Iran & Israel oo..

Posted on

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa daqiiqad u aamuseen madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil dayuuradeed oo ka dhacay dalkaas isaga iyo xubno la socday.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa golaha ammaanka ku dhaliilay talaabada ay ku maamuuseen madaxweyne Raisi.

Isagoo ugu yeeraya Raisi “Kawaanlaha Tehran,” Erdan wuxuu u sheegay Golaha “dhiigga kumannaan Iiraaniyiin ah oo aan waxba galabsan uu laayey intii uu xukunka hayey kuwasoo ay ku jireen dibad-baxayaal nabadeed iyo kuwo kale oo badan.”

“Raisi waxa uu si arxan darro ah u baabi’iyay kacdoon ay dhallinyaradu horseed ka ahaayeen oo ka dhashay sharciyo caburin ah, sida xijaabka khasabka ah ee haweenka, waxana uu sii waday in uu meesha ka saaro diidmada wixii ka dambeeyay” ayuu yiri danjiraha Israel

Hadalka danjiraha ayaa yimid xili Israel lagu eedeynayo iney asuuq ka geysatay magaalada Gaza ay ku leysay todobadii bilood ee tagtay dadka ka badan 36 kun oo u badan haween iyo Caruur

Source link