Go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dil loo haystay walaalo wada dhashay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kama dambeysta ah ee Daadir Cali Cismaan iyo Cabdullahi Cali Cismaan oo loo haystay dilka guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada Dhexe Xuseen Xasan Mool-gale.

Maxkamadda Sare ayaa walaalahan wada dhashay kiiskooda kasoo saartay xukun, waxaana dil lagu ridday Daadir Cali Cismaan oo ah qisaasta marxuum Xuseen Xasan Mool-gale. halka ay maxkamaddu xoriyaddiisa dib ugu celisay Cabdullahi Cali Cismaan.

Kiiskan ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ay xukun kasoo saartay 30-kii bishiin June ee sanadkan , balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Hoose ka aqriso go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Sare

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.



Source link