Gawaari qaraxyo sida oo ku jiro Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale digniin culus kasoo saaray weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Horay ayaa Qaramada Midoobay sidaan oo kale uga digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale.

Jimcihii ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda.



Source link