GALMUDUG oo dagaal qarka u saaran iyo wararkii ugu dambeeyay

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) –  Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, taas oo u dhexeyso laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda.

Xiisadda ayaa salka ku heyso muran xoogan oo ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi oo u dhexeeyo ganacsade dagan magaalada iyo maamulka Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Galmudug ayaa lasoo wariyay in ganacsadaha ay ku amartay inay ka guuro dhulkaasi oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse uu ka biyo diiday, waxaana kadib sidaas ku qaraxday xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ganacsadaha uu wato ciidamo taabacsan oo ka tirsan kuwa milatariga oo kasoo baxay furimaha hore ee dagaalka, si ay u garab istaagaan waxayna soo galeen magaalada oo saaka laga dareemay dhaq-dhaqaaq xoogan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogleh ka muujinayo suurtagalnimada dagaal ka qarxa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug, kuna aadan xiisadda dagaal ee saaka taagan maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, xiisadda taagan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga magaalada oo saaka xiran, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.



Source link