Gaari maxbuus lagu waday oo lagu weeraray Faransiis iyo saddex sargaal oo la dilay

Posted on




Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay saddex sargaal oo katirsan ciidanka booliiska dalkaasi, kaddib weerar lagu qaaday gaari ay maxbuus ku wadeen.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaariga lagu waday maxbuuska oo laga soo celiyay maxkamad loona waday xabsi, waxaana weerarkan lagu dilay saddex sargaal oo booliiska Faransiiska katirsanaa, halka saddeex kalana lagu dhaawacay.

Weerarka kaddib ayaa la sheegay in uu baxsaday maxbuuskii loo waday xabsiga, waxaana hadda socda baadigoob ay ciidamada ammaanka ugu jiraan sidii loo soo qaban lahaa maxbuuska baxsaday.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa maxbuuska baxsaday ku sheegay magaciisa Maxamed Amra oo 30-sanno jir ah , waxaana maxbuuskan  loo haystay falal burcadnimo iyo afduub horseeday geeri.

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka saraakiisha lagu dilay laguna dhaawacay, waxa uuna sheegay in ciidanka wax kasta sameyn doonaan si loo soo qabto maxbuuska baxsaday iyo kuwa weerarka geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link