Firdhiye oo qodobo xasaasi ah kala hadlay IGAD kadib kulan ka dhacay Jabuuti

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxda u saraysa Ururka Goboleedka IGAD.

Madaxda IGAD ee Firdhiye uu maanta kula kulmay Jabuuti waxaa hoggaaminayey Xoghaye ku xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, nabadda, xasilloonida iyo dawlad-dhiska ka socda deegaanada Maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag.

Sidoo kale xubnaha IGAD oo hadda daneynaya inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si nabad loogu soo dabaalo gobolka Geeska Afrika ayaa hoggaamiye Firdhiye ka wareystay ‘doorka uu ururka IGAD ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.’

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoosta ka xarriiqay, una cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga.

Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay inay ka shaqey doonaan horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dowlad-dhiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo La-taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha SSC Khaatumo.



Source link