Firdhiye oo kulan xasaasi ah la qaatay Geelle xilli ay is-hayaan SOMALILAND

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyaha ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo.

“Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed.

Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Madaxda IGAD ayaa hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag, iyada oo Firdhiye u cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga.

Si kastaba, socdaalka hoggaamiye Firdhiye ee dalka Jabuuti ayaa imanaya xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso hoggaanka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay dowladda Jabuuti marti-gelisay jabhad kasoo jeeda gobolka Awdal oo rabta inay dagaal la gasho maamulka Muuse Biixi.



Source link