FIQI oo shaaciyay sababta safaaradda Itoobiya looga rari la’yahay Madaxtooyada

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Fiqi ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda kasii dareysa labada waddan iyo sababta ay dowladda federaalka go’aan uga qaadan la’dahay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo weli sii shaqeyneyso, taas oo weliba ku dhex-taallo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya ay Villa Soomaaliya degtay sanadkii 2007-dii, xilligaas oo ay ciidamadooda gudaha usoo galeen Muqdisho, wuxuuna sheegay in xilligan dowladda federaalka aysan ku dag dagi karin inay rarto dhismaha xarunta Madaxtooyada.

Sababta waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu saameyn karo safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa, oo uu tilmaamay inay ku taallo meel muhiim ah.

“Itoobiya markii ay magaalada qabsadeen sanadkii 2007-dii ayay degeen madaxtooyada dalka, waxaana raali uga ahaa madaxdii xilligaas joogtay. Ka bixistooda waxay haatan ku xiran tahay marka xaaladda dalku degto in safaaradaha oo dhan loo sheego inay guuraan meelo dowladdu u cayimtay,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanno kale ay ka qaadan doonaan Itoobiya, sida ciidamadeeda inay isaga baxaan dalka, qaybna aysan ka noqon howlgalka xiga ATMIS.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hal shuruud ku xiray Itoobiya oo ah inay ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, sidaas oo kaliyana uu kusoo noqon karo xiriirka,ayna sidaas ciidamadooda kusii joogi karaan gudaha dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala kacay wada-hadalladii uga socday Ankara, kadib markii ay Itoobiya ku adkeysatay go’aankeeda, halka Soomaaliya ay iyadana ku dhegtay in marka hore Addis Ababa buriso heshiiska sharci darrada ahaa ee ay la gashay Somaliland.



Source link