Fiqi oo ka qeyb galay kulanka loogu gogol xaarayo Meertada 15aad ee Shir madaxeedka OIC

Posted on

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay kulanka loogu gogol xaarayo Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Iyadoo kulanka gogol-xaarku socon doono labo cisho oo kala ah 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo is-garab-taagga, iyadoo loo marayo wadahadal ku suntan horumar waara).

Ajandaha shirka ee laga doodi doono ayaa ah kuwa mudnaanta u leh Ururka iyo caqabadaha dunida Islaamka ay wajahayso oo ay ugu horrayso arrinta Falastiin.

Inta shirka lagu guda-jiro, waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kulan doceedyo la yeelan doonaa qaar badan oo ka mid ah dhiggiisa oo uu kala hadli doono sare u qaadidda xiriirka labo geesoodka, sidoo kalena la qaadaa-dhigi doono xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ah ee muhiimadda u leh.

Source link