FBI-da oo baareysa weerar lagu qaaday TRUMP oo looga shakisan yahay dalka…

Posted on




Washington (Wararka Maanta) – Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya in loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kadibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah.

Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib markii uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda

Inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay.

Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku fara-geliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024.

Howl-galka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya.

Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay in ay ka aargudan doonto Trump, kadib weerarkii sannadkii 2020-kii lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.










Source link