Farmaajo oo war culus ka soo saaray tacadiga ay DF ku heysto Bajaaj-leyda Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray dhibaatada heysata dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen dhalinyaradaas, isla markaana ay jiraan qaar dhaawacyo loo geystay, isagoo taasi ku tilmaamay wax laga xumaado oo niyad jebinaya dhalinyaradaan dalkooda ka shaqeysta.

“Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuu dalbaday in loo gurmado dhalinyarada lagu dhaawacay rasaastii ciidamada qaranka, sidoo kale dowladda ayuu ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiso cabashada ka soo yeertay dhalinyarada.

“Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah,” ayuu yiri.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo intii uu xukunka joogay dhegaha ka fureystay dadka reer Muqdisho oo duruufo adag soo maray ayaa hadda hadalkiisa loo arkaa ‘kaar ku xogasho.’



Source link