Farmaajo oo war culus ka soo saaray geerida Sheekh Cismaan Xidig

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida caalimkii weynaa ee Soomaaliya Sheekh Cismaan Xidig oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, maantana lagu aasay.

Farmaajo ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku sheegay inuu murugada iyo tacsida geerida la qaybsanayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, culimada diinta, ardaydiisii iyo ehellada uu ka baxay, AUN Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig).

“Sheekhu waxa uu ka mid ahaa tiirarka culimada Soomaaliyeed, isaga oo in ku dhow nus qarni u taagnaa faafinta diinteenna suubban ee islaamka, waxna soo baray jiilal badan. Sheekha oo caan ku ahaa cibaado badni, juhdi iyo dadaal diimeed waxa kale oo uu ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta uga tagay kutub badan oo ku saabsan culuumta Islaamka oo uu Sheekhu qoray,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa Sheekha in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samiir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkii, dhammaan umadda Soomaaliyeeed iyo ardaydii uu wax soo baray Sheekhu.”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, ayaa geerida Sheekh Cismaan Xidig ku tilmaamay mid naxdin leh iyo qof miisaan weyn lahaa oo ka baxay diinta iyo ummada Soomaaliyeed.

“Xiddig weyn ayuu Soomaaliya u ahaa, marka geerida maanta dhacday masiibo ayey ahayd laakiin qofkasta geeridu waa haleelaysaa.”ayuu yiri Sheekh Cariif oo sheegay inay Shiiqa is yaqaaneen muddo 40 sano ka badan, uuna ku yaqaaney qof u go’ay fidinta diinta iyo waxbarida dadka Soomaaliyeed.

Doorkii uu kulahaa xalqooyinka fadhiga ahaa ee funuunka kala uu ku dhigi jiray barida diinta ayuu Sheekh Maxamuud Cariif ku tilmaamay inuu “Qof waqtigiis u huray diinta iyo mu’alifnimada kutub badan.”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa yiri “Fani ka mida culuumta Islaamka oo uusan akhrin jiran ma jirto Sheekhu, haday tahay tafsiirka, Axaadiista, Fiqhiga, calawiyada, wuxuu ahaa saaxiibul funuun, gaar ahaan wuxuu marin jiray oo ku sii badnaa xaga Axkaamta.”

 



Source link