Farmaajo oo helay fursad weyn oo Xasan Sheekh uu dayacay – Maxaa ka socda Qatar?

Posted on

Dooxa (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka faa’iideystay shirkii qurbajoogta Soomaaliyeed lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo la kulmay siyaasiyiin iyo aqoonyahano saameyn leh oo lagu tirinayey dhanka Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa sawirro lasoo galay qaar kamid ah dadka uu ku qaabilay Dooxa, wuxuuna muujiyey in olole dib u doorasho uu sii bilaabay, dadka qaar ayaa la yaabay xubnaha isla soo sawiray Farmaajo oo markii hore aad uga aragti duwanaa.

Arrinta la yaabka leh waa in rag masuuliyiin ah oo aad ugu dhow Xasan Sheekh oo qaarkood ka tirsan xukuumadiisa ay Farmaajo u geeyeen dadka saameynta leh ee Dooxa uu kula kulmay.

Xasan Sheekh ayaa deg deg u lumiyey miisaan siyaasadeed oo culus, taas oo soo dedejisay in Farmaajo uu helo garbo siyaasadeed, iyadoo la xusuusan yahay heerkii uu joogay markii uu Xasan Sheekh uga guuleystay xukunka.

Inkastoo xogtaan aysan aad u soo shaac-bixin, hadana ilo lagu kalsoonyahay ayaa Wararka Maanta u sheegay inay jiraan siyaasiyiin Xasan Sheekh aad ugu dhowaa oo hadda si hoose ula shaqeynaya Maxamed Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa hadda ku jira sanadkii 3-aad ee muddo xileedkiisa, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo muuqanaysa in si ogaal iyo ula-kac ah looga maarmayo dhammaan wixii mawaaqif iyo mabaadii ahaa ee shalay lagu ololeeyay ee bulshada laga iibiyay.

Arrinta Dooxa waxay muujineysaa waxyaabaha la filan karo dhowrka bilood ee soo socota, waxaana garabka Xasan Sheekh tartiib uga sii baxaya siyaasiyiin saameyn leh, oo garan waayey cidda qaadaneysa macaashka dowladii ay soo dhisteen.

Madaxweynaha ayaa ku guul-dareystay inuu daadajiyo talada, oo kalsooni siiyo saaxiibadiisa siyaasadda, si kale hadii loo dhigo dadka gorfeeya siyaasadda waxay dowladda Xasan Sheekh ku macneeyeen “xukuumad aan milkiile laheyn” taasi oo muujineysa in aysan jirin cid dareemeysa ‘lahaansho gaar ah’ oo xukunka Xasan Sheekh kalsooni badan ku qabta ama difaacaneysa.

Hoos ka eeg qaar ka mid ah kulamadii uu Farmaajo la yeeshay mucaaradkiisii hore:




Source link