Falcelin xoogleh oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Xasan Sheekh

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu shir deg-deg ah isugu yeeray laamaha amniga ee dalka, kaas oo daba socday weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay la dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Kulankan oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha amniga oo uu ugu horreeyo wasiirka amniga gudaha, taliyaha NISA, taliyaha booliska iyo saraakiisha qaabilsan amniga Muqdisho. Iyada oo intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladdii adkeyd ee xalay dhacday iyo sida looga jawaabi karo, iyada oo madaxweynuhu u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu laayay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka dadkii ku baxay weerarkii xalat ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii kale ee  ku dhaawacmay.

Haddaba sidee looga falceliyay?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo qoraalka lasoo dhigay bogga Villa Soomaaliya ka falceliyay ayaa sheegay in aan shir loo baahneyn ee madaxweynuhu la xisaabto saraakiisha amniga magaalada Muqdisho

Abdalla Axmed ayaa falcelintiisa ku yiri “Waxqabad ataa loo baahanyahay waxii dhacay xalay masuuliyadeeda in la qaado iyo is badal deg deg ah in la sameeyo inta dhimatay Allah u naxariisto inta dhaawacana Allah caafiyo”.

Ismaaciil Saxafi “Madaxweyne laamaha amniga isla xisaabtan dhab la yeelo si loo oggaado cidda fududeysay weerarkii xalay lagu gumaaday shacabka dhalinyarta u badnayd”

Daahir Cabdiraxmaan “Taliyihii ka masuulka ahaa jagboontigii uu xalay qaraxu ka gudbay ayaa cabsi la’aan ku hor fadhiya isaga oo u maleeya in aanu wax khaladaba lahayn,”.

Mubaashar Cabdullahi Muuse “Muxuu kulan la qabto taraa mar dhalinyardiii dhamaaneen?.”

Cali Axmed Xaraare “Xalka waa in laga qaadaa xilka labada talis Nisa iyo Police-kaa”.

Eng Cabdishakuur Maxamed “Shacabka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan mudane madaxweyne inaad jawaab lagu qanci karo ka bixiso xasuuqii loo gaystay shacabka aan wadba galabsan ee aad u dhaaratay”.

Cabdirisaaq Wadani “Dalkaan haddaan dhalinyaro loo dhiibeyn waa ahaaday caada qaatayaasha xilka haayana aan tilaab laga qaadin waxa wadanka gadaal u dhigay waa dad cimrigoodii ku soo raaxeystay:.



Source link