Falcelin ka dhalatay soo qabashada ASHRAF oo loo haysto dambi culus

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada.

Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan ka ah baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xoogan, waxaana kamid ah dadka ka hadlay hooyadiis oo faah-faahisay wiilkeeda iyo wax uu qabto.

Hooyada oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka shaqeeyo goob ganacsi oo ay leedahay walaashiis, isla markaana aanu shaqo ku lahayd eedda culus ee loo soo jeeiyay.

“Wiilkaas waa Xaafidul Qur’aan oo 114 kor ka xifdiyay waana nin ahlu diin ah, wuxuu sidoo kale ka baxay Jaamacadda Soomaaliya oo waa aqoonyahan ma’ahan erayada iyo waxa xun-xunka ah ee wiilkeyga lagu eedeynaayo” ayay tiri hooyada dhashay Ashraf Cali Nuur.

Sidoo kale waxa ay dalab u diray dowladda “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii soo dayso waa masaakiin hooyadiis anaa ah, bari ayuu ka yahay waxa lagu eedeynaayo”.

Dhinaca kale waxaa ariinta wiilkan oo 24 sano jir si aad ah looga hadal baraha bulshada, ayada oo si weyn loogu falanqeeyay xaaladda wiilkan iyo falka lagu soo eedeeyay.

Bashiir Salaad “Booliska Soomaaliya sheeg sheega dadka miyey wax ku fahmaan?. Cid walba oo bulshada qatar ku ah ka hor inta aysan bulshadu soo bandhigin ayaa laga rabaa Boolisku inay ka howl galaan ee maahan kii baraha bulshada la keenaba in ay dib ka raadiyaan”.

Ramlo Maxamed “Qofka haddii aadan caddeyn ku heynin sharafkiisa iyo cirdigiisa ha u gefina”.

Cabdikariin Xuseen “Dowlada shaqo aad u fiican bey heysaa waana ku bogaadinaa shaqada aadka u fiican ee bilooyinkii ugu dambeeyy ay ku dhiiratay”.

Xayaat Cabdulle ” War bal suga maxaa qaldan wiilka ha u gafina, ninka mustaqbalka ha uga ciyaarina ma faankiisa run uga dhigteen?”.

Isaaq Sheekh Aadan ayaa isuguna yiri  “Shaqo wacan baad haysaan, waana idinkaaga mahadcelinaynaa”.

 



Source link