Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay xil uu Xamza u magacaabay nin kasoo goostay Al-Shabaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay afar agaasime guud oo wasaaradeed kadib wareegto uu soo saaray, waxaana ku jiray ragga la magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ibraahim Nadaara oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Al-Shabaab kasoo goostay bishii August 2016-kii, waxaana magacaabistiisa kala dhalatay falcelin aadan caadi ahayn.

Dad badan ayaa ka horyimid magacaabista ninkan, waxayna su’aalo ka keeneen wasaaradda loo magacaabay oo uu hadda wasiir ka yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo isna ahaa hoggaamiye hore oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba sidee looga falceliyay magacaabista Ibraahim Nadaar?

Cabdullahi Adan Xerow “Ibraahim Aadan Ibraahim from Al-Shabaab to agaasime dowladeed wasaaradihii dhan Al-Shabaaba ayaa agaasime ka ah”.

Cabdirisaaq Mowliid “Wasaaraddii Awqaafta iyo arrimaha Diinta waxay ka dhigeen halaq galeen subxaanallah”.

Abuukar Xasan ” =Ninkaan markuu Al-Shabaab ka imaanayay waxaan joognay Xamar waxbarasho ayaan ku jirnay hadda asiga waa masuul sare annagana waxaan magaalka ku nahay shaqa la’aan bal is qabadsii hee adba?”.

Cabdullahi Naxar “Waxaan sugnaaba waa xukunka Roobow iyo fulinta Ibrahim Nadaara wallee waxaa ii sawiran iyadoo la kala garan la yahay kumaa dilaya yaase soo fatwooday qoladii duurjoogta ahayd shaqadoodii hadday gudaha ka bilaabmatay”.

Muriidi Siraaji ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Wasaaradii arrimaha Diinta Iyo Awqaafta Al-Shabaab ayaa la wareegay”.

Shariif Maxamed Jimcaale “Waa in aan Al-Shabaab ku biiro kadibne kaso goosto si aan xil sare u helo”.



Source link