Fal argagax leh oo ka dhacay Beledweyne iyo xaalad halis ah oo ka taagan

Posted on

Beledweyne (Wararka Maanta) –Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay fal argagax ku reebay shacabka, kadib markii rag hubeysan oo tuugo ah oo markii hore taleefanada dhici jiray ay bilaabeen inay kufsadaan gabdhaha yaryar.

Labo gabdhood ayaa xalay lagu kufsaday xaafad ka tirsan Beledweyne, waxaana falkaas geystay rag hubeysan, xaaladda magaaladaas ayaa faraha ka baxday.

Warbaahinta Hiiraanweyn oo ka howlgasha magaalada Beledweyne ayaa soo tebisay cabashada waalidiinta iyo xogta gabdhaha la kufsaday oo ka sheekeeyey sida ay ragaasi u xoogeen iyo xaaladda ay ku jiraan.

Gabdhaha oo warbaahinta u waramay iyagoo wajigooda qarinaya, si mustaqbalkooda aysan waxyeelo u gaarin ayaa sheegay in suuqa adeeg looga diray, balse meel xaafada u dhow ayey uga hor yimaadeen labo nin oo qori wata, kadibna waxay ku bilaabeen jir-dil inay kala jiitaan gabdhaha, ilaa ay ka kufsadeen.

Kufsiga kadib, waxay ka qaateen taleefankii loo dhiibay si adeeg ay ugu soo gadaan reerka, waxayna weydiiyeen Pin-ka, iyagoo ka shubtay lacagtii ku jirtay, gabdhaha waxaa ka muuqda jir-dil xoog leh, waxayna wareysigaan ku muujiyeen xaalad quus ah.

Aabaha iyo Hooyada dhalay gabdhahaan ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda, ugu horeyn waxay codsadeen cadaalad, waxayna sheegeen in aad loogu tacadiyey gabdhahooda.

Aabaha ayaa sheegay in gabadha qeyn ay jirto 17 sano, halka gabadha yar ay jirto 14 sano, labada gabdhooda waxaa aad loogu tacadiyey mida weyn oo labada ninba ay isku mareen, halka tan yar dhibaateeyeen oo waxaba aysan u reeban.

Hooyada dhashay gabdhahaan ayaa sheegtay inay yihiin masaakiin aan awoodin inay xaqooda raadsadaan, waxayna dowladda federaalka iyo HirShabeelle ka codsadeen in loo soo gurmado oo cadaalad loo raadiyo.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa hadda xumaatay, meel kasta waxaa lagu furtaa taleefoonada shacabka, magaalada waxaa buuxa ciidamo hubeysan oo aan kala amar qaadan, ammaankiina wuxuu noqday masuuliyad wadareed.

Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku dishay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulka degmada Beledweyne, Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada.

Hoos ka daawo

 



Source link