G๐จโ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฒ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ ๐๐ก๐๐ฐ๐ซ ๐ฌ๐ฎโ๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐๐๐ ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ง:
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ ๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐ฐ๐๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐?
Dalalka aan lahayn dowlad adag oo wada xukunta dalkeeda ama uusan ka jirin hannaan sharci iyo mid siyaasadeed oo wadar ogol lagu wada noolyahay.
๐๐จ๐จ๐ซ๐ฆ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐ฆ๐๐๐ซ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ?
Marka uu dalka gaaro degenaasho siyaasadeed, uuna si buuxda ula wareego amnigiisa.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐d๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฑ๐๐๐ฅ๐๐ ๐ง๐จ๐จ๐๐๐ ๐๐ก ๐๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ง๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ก๐๐๐๐๐๐ซ?
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kuma dhawaaqin in ay gaartay isku filnaasho amni. Bilcaksi, waxaa wiiqmay awooddii ciidan iyo tayadii amni. Xagga siyaasadana, waxayba usii guurtay dastuur cusub oo abuuray kala qaybsanaan iyo qalalaase siyaasadeed.
๐๐๐๐๐๐ญ๐ ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐ฎ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ ๐จโ๐๐๐ง๐ค๐๐ง?
Doorashada 2026 ayuu Xasan Sheekh rabaa inuu marsiisto hannaan iyo shuruuc aan heshiis lagu ahayn, xafiiska Qaramada Midoobayna uusan ka daba hadlin.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ฎ ๐ฑ๐๐ช ๐ฆ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐๐ฒ?
Haa. Dowladu xaq bay u leedahay, wuuna fulayaa amarkeeda.
๐๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐๐ง๐๐ฒ๐ ๐ ๐จโ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐?
In niyad jab weyn uu ku dhaco Golaha Ammaanka iyo saaxiibada caalamka.
In ay is badasho filashadii ahayd Soomaaliya oo ka soo baxday dowlad fashilantay, kuna dhaw, in ay gaarto isku filnaasho iyo horumar.
In dib u eegis lagu sameeyo guulihii hore, sida ka qaadistii cunaqabataynta hubka, maadaama uusan jirin la socoshada Xafiiska Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee Soomaaliya.
In si toos ah loola macaamilo Maamul Goboleedyada iyo garabyada kale ee siyaasadda, iyadoo lagu culeysinayo Dowladda Dhexe.
๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐ก ๐ฆ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ?
In Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka laabto si degdeg ah goโaankaas oo la is waafajiyo tabashada Dowladda (haddii ay ahayd dan qaran) iyo muhiimada uu leeyaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐
Madaxweyne Xasan goโaanka uu maanta ka gaaray Xafiiska QM natiijadeeda wuxuu guran doonaa subaxa 16ka May, 2026. Maalintaas oo ay isku fac noqonayaan qof walba oo aanan xil qaran haynin.
Xasan Sheekh waa Madaxweyne hore, Mirinaayo loo soo fariistay, sharciyad, shacbiyad iyo awood ciidanna midna haynin, xafiiskii Qaramada Midoobayna uu gacantiisa ku qufulay.
Maalintaas Xasan Sheekh meel uu u laabtana mahaysto, meel uu joogana mahaysto.
W/Q: Fahad Yasin Xaaji Dahir