Faah-faahinta qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay wateen ciidanka xoogga dalka, kaasi oo waday shidaal. Waxaana lasoo warinayaa waxyeello kala duwan oo ka dhalatay qaraxa, taas oo si rasmi ah loo xaqiijin.

Jimcihii unbey aheyd markii qarax xooggan iyo weerar toos oo xigay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido, kaas oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkaas ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale weerarkaan usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo dagaal uga socdo gobollada dhexe ayaa waxaa muuqata inay culeys soo saartay magaalada Muqdisho, si ay weli isku muujiso in weeraro ka fulin karto caasimada oo bilihii dambe jawi xasiloon ku jirtay.



Source link