Faah-faahinta qarax culus oo ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

Posted on

Beledweyne (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Beledweyne, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ahaa bambaano ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baledweyne, gaar ahaan Maqaayad ay inta badan fariistaan dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo goobaha caafimaad ee magaalada.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa ammaanka, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku aadan cidda ka dambeysay qaraxa bambaano ee lagu beegsaday maqaayadda.

Illaa hadda lama soo sheegin cid ay laamaha ammaanka u soo qabteen qaraxaan sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Qaraxaan ayaa imanaya xilli ammaanka magaalada Beledweyne laga deyrinayo, islamarkaana uu muddooyinkii dambena sii xumaanayay.

Xalay ayey aheyd markii dabley hubeysan ay xaafada Kooshin ee magaaladaas ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka NISA, iyadoo ay horay u sii qaateen kooxda dishay qorigii uu watay askariga ka tirsanaa nabad-sugidda.



Source link