Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG

Posted on

Xarardheere (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay koonfurta gobolkaas oo hoosataga Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Qaycad oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, lagana burburiyay xarumo ay ku lahaayeen deegaanka lagu dagaalamay.

‘Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed Danab iyo Gorgor iyo Ciidamadda degaanka ayaa howlgal lagu naafeeyay Khawaarijta kasameeyay koonfurta Mudug. Degaanka Qayacad ayay geesiyaasha XDS iyo kuwo degaanka jab xoogan ku gaarsiiyeen kadib howlgal aroornimadii hore saaka Ciidamadda kasameeyeen degaanka Qayacad” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka.

Dhankiisa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna shaaciyay khasaare aad u culus saaka loo gaystay Al-Shabaab, balse ma sheegin tiro ahaan khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

“Khawaarijtii saaka waa lagu hiireystey, hoog iyo halag ayey Qaycad kula kulmeen!” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay koonfurta Mudug, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.



Source link