Eritrea oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines + Sababta

Posted on

Asmara (Wararka Maanta) – Dawladda Eritrea ayaa joojisay duulimaadyaladii diyaaradda shirkadda Ethiopian Airlines ay ku tegi jirtay caasimadda dalkaas ee Asmara.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, waxaana warkaan lagu daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas.

Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea, sababta ay u mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ay ‘xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’.

Eedeymaha ay Eritrea u jeedisay shirkadda doyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah ‘Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo muwaadiniinta Eritrean-ka ay arkeen.’

Sidoo kale Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay dhinacyada ay quseyso arrintaan ay isku dayeen inay dhibaatooyinka ay sheegteen rakaabo wax ka weydiiyaan maamulka shirkadda Ethiopian Airlines, iyaga oo xiriir la sameeyay, balse in aysan ka helin haba yaraatee wax jawaab ah.

“Marar badan ayaan xusuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay, laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Eritrea.

Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 30-ka bisha September uu dhaqan gelayo go’aankan lagu mamnuucay diyaaradda Ethiopia Airlines, inkastoo dowladda Eritrea ay mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines, hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31-ka September.

Dhankeeda dowladda Eritrea ayaa macaamiisha dalkaas u dhashay ee shirkadda ku wargelisay inay joojiyaan la macaamilka shirkadaas wixii ka dambeeya 20-ka September.

Duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara markii laga soo tago, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas ee Asmara, waxaana kamid ah Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines, kuwaas oo dhamaantood si joogta ah u taga Asmara.



Source link