Duuliye isaga oo hawada ku jira geeriyooday iyo wixii diyaarada ka dhax dhacay geeridiisa kadib

Posted on

Qofna ma oga waxa dhici doona berri iyo wakhtiga dhowba. Diyaaradda NE130 oo ka soo duushay Qaahira kuna sii jeedday magaalada Taif ee dalka Sucuudiga ayaa si caadi ah u socotay, iyadoo jawigu uu ahaa mid caadi ah, isla markaana shaqaalaha diyaaraddu ay si caadi ah u dhex socdeen rakaabka, qaarna ay codsanayeen wax ay cabbaan, ama wax ay cunaan, ama mid ka mid ah rakaabka oo raadinaya suuliga iyo waxyaabaha kale ee caadiga ah ee rakaabku ay sameeyaan.

Waxyar kadib, rakaabkii ayaa bilaabay inay dhegaystaan kaaliyaha duuliyaha oo isticmaalaya cod-baahiyaha, isagoo u sheegay in diyaaraddu ay si degdeg ah ugu degi doonto garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz ee magaalada Jiddah, sababo la xiriira “walaalkii iyo saaxiibkii”, oo ah kabtankii Masaariga ahaa ee Hassan Youssef Adas, oo geeriyooday.

Wuxuu ku soo gunaanaday khudbadii uu u jeedinayay rakaabka aayad qur’aan ah oo uu yiri: “Ma jirto naf og waxa ay berrito kasban doonto, nafna ma oga dhulkay ku dhimanayso”.

Shabakadda X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa lagu baahiyay muuqaal uu soo duubay nin musaafir ah oo ka warbixinaya xaaladda, waxaana codka dadka rakaabka ah laga maqlayay muuqaalkan oo ay Ilaahay uga baryayeen naxariistiisa.

Qoraallada iyo faallooyinka lagu soo qorayay barta X ayaa intooda badan- si weyn ugu damqaday kaaliyaha duuliyaha ee uu saaxiibkii geeriyooday, waxayna diiradda saareen aayadda Qur’aanka ah ee uu u akhrinayay rakaabka, iyo dareenka murugada leh ee ay codkiisa ka dareemeen, isagoo xaaladda ku sifeeyay “daqiiqado taabanaya”, kuna amaanaya kartidiisa uu ku xakameeyay naftiisa iyo dareenkiisa murugo oo uu ku dhameystiray duulimaadka si uu rakaabka ugu geeyo si nabad ah.

Dadka qaar ee isla X isticmaala ayaa diiday hab-dhaqanka kaaliyaha duuliyaha ee sidaan oo kale ugu wargeliyay rakaabka dhacdadan naxdinta leh, waxayna yiraahdeen, “Waxaan u maleynayaa in duuliyahan lagu calaamadeyn doono calan cas oo ay kala jeedaan mid la diiddan yahay.” Waxaa lagu muujiyay faallooyinka in marka ay la kulmaan dhibaato weyn, ay khatar keeni karto in rakaabka la ogeysiiyo iyo in kaaliyaha “uusan garaneyn xeerarka ugu fudud ee badbaadada duulista,” halka dadka ugu badan ay sheegeen in kaaliyuhu uu saameeyay ku dhawaaqis sax ah maadaama ay taasi keentay in la beddelo khadkii duulimaadka si looga fogaado cabsi iyo su’aalo dhexdooda ah.

Dhanka kale hay’adda “Sada Aviation Platform”, ayaa barteeda X ku sheegtay hab-dhaqanka kaaliyaha duuliyaha inuu yahay mid qaldan, waxayna tiri: “Waxaanu ogaanay inay tahay dhaqan aad u qaldan, maadaama ay cabsi iyo argagax ku abuuri karto rakaabka, waxayna noqon lahayd, in uu ku dhawaaqo leexinta dariiqa duulimaadka ayadoo sababtuna tahay xaalad degdeg ah oo gudaha diyaaradda ah iyada oo aan la sheegin waxa rasmiga ah ee dhacay.”

Mid ka mid ah dadka sida aadka ah u isticmaalaha baraha bulshada ayaa shaaciyay hadallo ah in duuliye Adas, uu dhintay isaga oo la tacaalaya xanuunka geeri dhowaan uu ku waayay walaalkii, taas oo muujinaysa in xaaladdiisa nafsiga ahi aanay fiicnayn.

Mareegaha wararka ee Masar iyo Carabta ayaa sheegay in duuliyaha uu u dhintay “dhibaato dhanka caafimaadka ah”, halka qaar kalena ay sheegeen in uu ahaa wadno xanuun, halka ilo-wareedyo rasmi ah aysan shaacinin sababta dhimashadiisa, iyadoo shirkadda duulimaadka ee uu u shaqeynayay ay daabacday qoraal tacsi ah.

“Mas’uuliyiinta duulista rayidka ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta amniga duulista iyo ka ilaalinta dadweynaha khataraha la xiriira howlaha duulista,” sida ay sheegtay hay’adda duulista rayidka ee caalamiga ah (ICAO).

Duulimaadyada caalamiga ah ayaa qaada in ka badan 2.5 bilyan oo rakaab ah iyo $5.3 trillion oo xamuul ah sannadkii. Sababahaas iyo kuwa kale dartood, qorshaheeda badbaadada duulista ee caalamiga ah waxa uu diiradda saaray saddex qaybood oo badqabka duulista: hagaajinta badqabka dhabbaha dayuuradaha, dhimista tirada shilalka agagaarka dhabbaha dayuuradaha, iyo dhimista tirada shilalka ee xakamaynta xilliga duulista.

Tan saddexaad waxaa loo arkaa mid ka mid ah qaybaha shilalka khatarta sare leh, maadaama “shilalka ay sababeen duuliyayaasha ay yihiin sababta ugu badan ee shilalkan”.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link