FAL-CELIN aan caadi ahayn oo ka dhalatay abaal-marinta la siiyay Xasan Sheekh

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Fal-celin aan caadi ah ayaa ka dhalay Abaalmarin xalay la guddoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo aah Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award) oo ay bixisay Africa House kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta.

Madacweyne Xasan oo qudhiisa ka hadlay munaasabadda ayaa yiri ““Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,”.

Haddaba side looga falceliyay?

Ismaaciil Maxamed “Tan camal ciyaalka xaafada waxay dhahaan hebel waa laga waalay”.

Daahir Cali “In Abiy Axmed la raaligalyo waa lagu qaada karaa abaalmarin, taas waxay na tusee Midowga Afrika in uu Iska leeyahy Abiy Axmed”.

Liibaan Xiddig “Dalxoreeye boqolaal biladood u qalantaa Madaxweyne”.

Shaafici Haleel “Nobel peace prize-tii la sheegayey ma tanay isu bedeshay?”.

Zaahir Sheekh Muxumad “Maadaama wax madaxwayne ah kaligiis ka joogay baa la siiyy illeen dowladaha kale agaasino iyo wasiiro unba ka socday”.

Nuur Cabdullahi Cali “Hambalyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Guulo badan ku rajeynayaa”.

 



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *