Duqa Muqdisho oo si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran Oumar Sylla (Sawirro)

Posted on




Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha Qaaradda Africa ee Hey’adda UNHABITAT Mudane Oumar Sylla.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta UNHABITAT iyo D/H/X, hiigsiga horumarineed ee caasimadda Muqdisho iyadoo diiradda la saarayo tiirarka kala ah qorsheynta magaalada, maaraynta qashinka, casriyeynta maamulka dhulalka iyo sidii ay Muqdisho xiriir wada shaqeyn ula yeelan laheyd magaalooyinka dhigeeda.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Agaasimaha Qaaradda Africa ee UNHABITAT si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran oo lagu samayn doonno hawlaha iyo wada shaqaynta mustaqbalka dhaw ee UNHABITAT iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa taageero kaga hela mashaariicda caasimadda laga fuliyo   qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowlado shisheeye, waxaana Muqdisho marar badan laga fuliyay mashaariicyo horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 




Source link