Duqa Muqdisho oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Axmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Posted on

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Dr. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, sii wadida arrimaha gar’aarka oo ay dowladda Imaaraatka gacan weyn ka geysato iyo sidii mashaariic horumarineed loogu fulin lahaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dowladda Imaaraatka Carabta uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladaha taageera Soomaaliya kana fuliya mashaariicda kala duwan dalka gaar ahaan Muqdisho, hasa ahaatee Imaaraadka ayaa hakiyay muddooyinkii dambe mashaariicdii ay Soomaaliya ka fulin jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link