Dowladda Xasan oo lugaha la gashay fadeexad weyn – Maxaadan ogeyn oo socda?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhibaato xooggan kala kulmay madaxda sare ee dalka, oo ay sheegeen in dad kale u dhacayaan kuraastooda.

Isniintii waxaa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka istaagay xildhibaan Maalik Cabdalla, kaas oo sheegay in si xooggan shaqaalaha rayidka looga kacsanayo kuraastii shaqaalenimada, oo bedelkeedana lagu qoranayo dad ay madaxda wataan.

Wuxuu baarlamaanka ugu baaqay in wax laga qabto dhibaataddaasi lagu hayo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya oo u badan kuwo xilli adag usoo shaqeeyay dalka.

Xildhibaanka waxa uu xaqiijiyay in dadka ay dhibaatadan ku dhacday inay ku jiraan dad uu isagu xildhibaan u yahay. Maalik Cabdalla waxaa laga soo doorta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

In shaqaalihii rayidka ahaa ee horey u joogay laga kacsanayo kuraastii oo lagu beddelanaayo dad ku hayb ah wasiirada iyo madaxda sare ee dalka waxay muujinaysa in musuqa iyo eexda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inay dhinac walba ku faaftay.

Horey mid kamid ah xubnaha golaha wasiirada ee dowladda federaalka ayaa meel fagaare ah uga sheegay in haddii uu fursad shaqo arko inuu ku qorayo qof reerkiisa. Waxay kale oo arrintani caddeyn buuxda u tahay in Xasan Sheekh iyo xukunkiisa awoodi waayeen inay keenaan hal abuur cusub oo shaqo abuur ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololaha doorashada kusoo galay inuu dhalin doono shaqo abuur cusub oo ay si weyn uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, laakiin taas waxay kusoo dhamaatay in shaqaalihii hore laga eryado boosaska oo kuwo madaxda ku hayb ah lagu qorto.

Arrintan waa fadeexad weyn iyo niyad-jab, waxay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto oo la joojiyo, haddii kale waxay dhalin doonta inay kororto dhalinyarada ka baxsaneysa dalka.

Tayo xumada golaha wasiirada iyo hal abuur la’aantooda waa mid kamid ah sababaha loo waayey shaqooyin cusub ee keentay in lagu soo laabto boosaska shaqaalihii hore.

Sidoo kale fadhiidnimada baarlamaanka ayaa qeyb ka ah inay wasiirada iyo madaxda dowladda foolxumadan u bareeraan.



Source link