Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xiisadda ka taagan Bariga Dhaxe

Posted on




War-saxaafadeed caawa kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan looga muujiyay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaana ugu baaqaysa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda kataaga Bariga Dhaxe inay si deg deg ah u joojiyaan kana shaqeeyaan xasiloonida iyo joojinta colaadaha.

Warkan caawa kasoo baxay dowladda ayaa imaanaya xilli xalay dowladda Iran weerar culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday dhulka maamulaan Israa’iil.




Source link