Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday tallaabo culus oo ay uga hortageyso…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabo ay uga hortageyso hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyo, kaas oo badanaa ka yimaada dhanka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xudduudaha dalka,si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo amniga qaranka, laguna hortagayo hubka sharci darrada ah, oo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka.

“Hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya Itoobiya wuxuu khatar weyn ku yahay amniga qarankayaga. Waxaan qaadi doonaa tallaabo adag oo aan ku xakameyneyno xuduudaheena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan xaqiijineynaa in cid kasta oo ku lug yeelata howlahaas, iyadoo aan loo eegin xaaladdooda in lagu daro liiska madow, lagulana xisaabtami doono.” 

Tallaabadan ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ay imaaneysa xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay hub sharci darro ah oo ka yimid dhanka Itoobiya uu soo galay gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka ayaa haatan ku howlan sidii ay u xakameyn laheyd hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo gelinayo, xilli uu dalka ku jiro dagaalka Al-Shabaab iyo dagaal diblumaasiyadeedka Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.



Source link