Dowladda oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Posted on




War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in sagaal dhagar qabe oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay ku dhowaad 10-kalana  lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar maleeshiyaad ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo maleeshiyaadka Al Shabaab ay wateen , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka labadaan gobol.

Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Al Shabaab oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga, kaas oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Hawlgaladan oo ahaa kuwo aad loo qorsheeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay Khawaarijtu lahaayeen.




Source link