Dowladda oo ka hadashay dilalkii ganacsatada, rag loo qabtay iyo qorshe deg deg ah oo socda

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey amniga Muqdisho iyo beegsiga ay Shabaab ku hayaan ganacsatada caasimadda Muqdisho.

Yabooh ayaa qiray in amniga Muqdisho uu maalmihii lasoo dhaafay qalqal galay, isla markaana ay Shabaab soo nooleeyeen beegsigii iyo dilalkii ay ka geysa jireen caasimadda, hadana ay wadaan qorshe culus.

“Waxaa maanta halkaan ku shiray hey’adaha ka shaqeeya amniga Muqdisho, wax badan ayaan halkaan fadhina waana is warsanay, Khawaarijtii ayaa hadda bilowday inay beegsi ka geystaan Muqdisho, shacabkii ayey ku bilaabeen dil, baad iyo cagajugleyn,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka amniga ayaa shaaciyey in la soo qabtay qaar kamid ah shabakadihii Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan iyo badda shacabka ee Muqdisho ay ka bilaabeen.

“Maanta waxaa halkaan lagu soo bandhigay kooxihii Shabaab ka tirsanaa ee falalkaas geystay, wareysiyo ayaa ku socda, waana soo bandhigi doonaa, waa cadow xun oo shacabka iyo dowladaba dagaal kula jira,” ayuu yiri.

Guddoomiye Yabooh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan heynaa xog badan oo codad ay ku jiraan, ganacsatada ayey ku qasbayaan inay xoolo bixiyaan oo kaamirooyinka furaan, hadda qorshahooda oo dhan waan heynaa, shabahadihii falalka qaar fuliyana waa lasoo qabtay.”

Wuxuu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay ku dadaasho sugidda amniga caasimadda, isagoo shacabka ka codsaday inay garab istaagaan ciidamada iyo dowladda, si looga guuleysto cadowga.

“Waxa dhacaya oo aad aragtaan waxaa ka daran inta laga hortegayo, ragga hada lasoo qabtay iyagoo Muqdisho dhibaatooyin ka geysanaya aad ayey u badan yihiin, kuwo kale ayaan ku raad joognaa oo xogo badan laga hayo, marka shacabku ha ogaadeen inaan u maqanahay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh.

Hoos ka daawo



Source link