Dowladda hoose ee Xamar oo 34 sano kadib bixineysa adeeg si weyn loogu baahna

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa daah-furay dib-u-howlgelinta adeegyadii hore ee dad-Dhigidda dowladda hoose ee Xamar, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hada kadib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda dad-dhigidda dowladda hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay diiwaan-gelinta caruurta ku dhasha isbitaalada, helida shahaadada guurka iyo shahaadada furiinka.

Tan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaan-gelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

“Qof kasta oo mas’uul ah marka uu meel yimaado waxa uu leeyahay Yool, Istaraatiijiyaddeyda waxaa kamid ah in la helo adeegyada Bulshadu u baahan tahay, warqadda qoyska waxa ay ahaan jirtay ama Adduunka ka tahay wax qoyska la nool maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu ka dhimanayo,” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in nikaaxa iyo furiinka kahor burburkii uu ahaa mid maxkamad loo aado, si aanay dayac ama mas’uuliyad darro uga dhicin ubadka qoyska, isaggoo tusaale usoo qaatay carruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa lagu tuuro waddooyinka qaar, oo uu sheegay in aysan sidaas ahaan laheyn haddii ay jiri laheyn arrintaan.

“Waxaan soo marnay marka aad rabtid in aad kala tagtaan gabadh aad qabtay in Maxkamad la tago oo furiinku ma fududeyn mana lagu degdegi jirin, waxyaabaha dayaca carruurta darbi-jiifka ah u wacan waxaa sababa in warqadda nikaaxa iyo furiinka la’aantood,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa horyaalla bixinta adeegyo badan oo baahiyo gaar ah u qabaan bulshada, dad qaar ayaa soo jeediyay in iyada oo la eegayo dhaqaalaha dalka iyo xaaladaha gaarka ah in la dabciyo qiimaha ku baxaya adeegyadan.



Source link