Dowlada Iran oo markii ugu horeysey shaacisay iney la soo xiriirtay Israel

Posted on

Iran ayaa markii u horreysay xaqiijisay iney jirtay fursad ay soo bandhigtay Israa’iil si ay u joojiso dagaalka Qasa ama gorgortan laga galo hannaan lagu joojin karo, iyadoo tan ay Israa’iil ku beddelanayso inaysan Iran ka jawaabin weerarkii lagu dilay saraakiisha ee ka dhacay qunsuliyadda Iran ee ku taallay Dimishiq.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, oo xiganaysa taliyaha ciidanka cirka Iran, Jen. Amir Ali Hajizadeh ayaa sheegtay inay Israa’iil farriintan u soo gudbisay Masar, oo dhankeeda gaarsiisay Tehran.

Israel ayaa ka cabsi qabtay inay jawaabta Iran noqon karto mid horseeda dagaal ballaaran oo ku fida gobolka.

Hadalka ay hadda soo bandhigtay Iran, wuxuu horseedaya inay ka dhashaan su’aallo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin sababta aysan Iran isugu-dayin inay sameyso taariikh oo ay billowdo gorgortan waxtar ah oo lagu badbaadinayo dhiiga Falastiiniyiinta, iyadoo jawaabta Iran ay dhacday iyadoo Israa’iil ay qarka u saarnayd inay duulaan ku qaado Rafah oo toddobaadkan uu ka dhacayo xasuuq argagax leh,.

Weerarka aan waxyeelada gaarsiin Israa’iil ee ay qaaday Iran wuxuu u ahaa mid laga baaqsan karay, si Iran ay hormuud ugu noqoto joojinta xasuuqa Falastiiniyiinta ka socda.

 

Source link