Diyaaradda Egypt Air oo maanta bilaabaysa duulimaadkii ugu horreeyey ee Soomaaliya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Diyaaradda Masar ee Egypt Air ayaa maanta bilaabaysa duulimaadkeedii ugu horeeyey ee Soomaaliya, iyada oo duulimaad toos ah ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa safar ku iman doona magaalada Muqdisho, iyada sidoo kale usii gudbi doonao Jabuuti oo ay kaga qayb-geli doonaan daah-furka duulimaad ay diyaaradda Masar ka samayn doono dalalkaasi.

Daah-furka duulimaadka shirkadda Masaarida ka bilaabayso Qaahir, Muqdisho iyo Jabuuti ayaa waxaa xigi doona kulamo lagu xoojinayo xiriirka ay Masaarida la yeelanayaan dalalkaan dhaca Geeska Africa.

Sida ay horey u shaacisay Egypt Air, todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn iskugu soo dhawaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay duulimaadka tooska ah ee diyaaradeedu ka bilaabeyso Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.



Source link