Diyaarad ay la socdeen Boqolaal Xujey ah oo Sacuudiga kusii jeeday oo cillad qabsatay

Posted on

Diyaarad ay la socdeen 468 qof oo ka soo ambabaxday dalka Indonesia ayaa waxay xalay cillad qabsatay, xilli ay ku wajahnayd magaalladda Madinatul Munawara ee dalka Sacuudiga.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 747-400 waxay xalay abaarihii 09:15 GMT Time dib ugu laabtay Garoonkii ay asal ahaan ka soo duushay oo ku yaalla magaalladda Makassar ee Indonesia.

Hadal ka soo baxay Shirkadda The Garuda Airlines ayaa sheegay inay bad-qabaan dhamaan dadkii la socday Diyaaradaasi oo Lambarka Duullimaadkeedu ahaa Flight Number 1105.

Docda kale, Madaxa Agaasinka Shirkadda The Garuda Airlines, Iran Setiaputra ayaa soo saaray Qoraal uu ku xusay inuu Duuliyihii Diyaaradaasi uu go’aansaday inuu dib u soo laabto, kadib, markii uu arkay cillad dhanka Matoorka iyo dab ka kacay mid ka mid Matoorada Diyaarada.

Ilaa 450 qof oo Rakaab ah iyo 18 Shaqaalaha ayaa la socday Diyaaradaasi, kuwaasi oo badankooda ahaa dad u socday inay soo gutaan Waajibaadka Xajka ee sanadkan 1445 Hijriyah.

W/Y Ustaas Ustaad Nuradin Abuukar

Source link