DIGNIIN laga soo saaray FUUSTO laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha…

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Booliska maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray foosto laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha gobolka Mudug.

Booliska ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan fuustadan oo xiran, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo sun ah.

Fuustadan ayaa waxay saraakiisha ka shakiyeen in ay biyaha Soomaaliya uga tageen dadka qashinka halista ah ku daadiya baddeenna, taas oo walaaca laga qabo foostadan kor u qaadeysa.

Toddobaadkan ayey foostadu ku soo caariday deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 900KM magaalada Muqdisho kaga beegan dhinaca waqooyi bari.

“Dadka deegaanka Ilfoxshe iyo kuwa ku dhaqan xeebaha gobolka Mudug waxaa si gaar ah looga digayaa in ay ka fogaadaan konteenaro qariib ah oo laga yaabo in ay ku jirto sun iyo walxaha qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Khatarta noocaan oo kale ah waxay saameyn kartaa dadka iyo deegaanka.”

Biyaha Soomaaliya oo aysan jirin cid si buuxda ilaalo uga haysa, ayaa la sheega in lagu daadiyo qashinka sunta. Mana ahan markii ugu horeysay oo bulshada ku dhaqan xeebaha ay la kulmaan haamo dul sabeynaya biyaha.










Source link