Dibed-baxyo weli ka sii socda Kenya xili uu Ruto ka laabtay sharcigii carada dhaliyey

Posted on

Kenya ma jiro wax isbeddel ah oo ka dhashay sharcigii maaliyadda ee madaxweyne Ruto uu dib u celiyay, kaasoo dhaliyay isku soo baxyo aan horey loo arag oo ka dhacay Nairobi iyo magaalooyinka kale ee dalkaas.

Waxaa wali sii socda mudaaharadaayaasha oo ku hanjabaya inay tagi doonan xarunta madaxtooyadda ee uu ku sugan yahay Ruto, iyadoo isku soo baxyadana ay isku beddeleen kuwa siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu gaaro kursiga Ruto.

Dadka mudaaharaadaya ayaa hadda ku dhawaaqaya Ruto waa inuu tagaa, Ruto waa inuu tagaa!

Laamaha ammaanka ayaa isku dayaya inay xakameeyaan bannaanbaxyada, kuwaasoo u adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay u joojiyaan kumannaanka dhallinyarada ee ka qayb galaya bannaanbaxa.

Ciidanka militari ayaa sidoo kale la geeyay waddooyinka laga soo galo madaxtooyadda iyo goobo kale.

Bannaanbaxayaasha ayaa sheegay in arrintani ay aad uga gudubtay sharciga maaliyadda, ayna hadda jiraan arrimo kale oo badan oo ay tahay in wax laga qabto, oo ay ugu horreeyaan musuq maasuqa iyo ku takri fal awoodeed oo ay ku eedeynayaan madaxda sare ee dawladda

 

Source link