Muqdisho (Wararka Maanta) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka soconaya dibad-baxyo rabshada wata oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, kuwaas oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.
Darawallada ayaa mar kale maanta isugu soo baxay isgoyska KM4, waxayna xirteen waddadaas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah madaxda dowladda oo ay ku eedeeyeen inay dhibaato ku hayaan shaqadooda.
Qaar kamid ah Bajaajleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka cabanayaan xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho iyo lacag dheeraad ah oo lagu soo rogay.
“In aan dhimano ama dhaqan helno ayaan rabnaa, qof kasta waraaq ayuu la ordayaa” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha.
Dhinaca kale waxaa goobta uu ka socdo diad-baxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro oo kala eryaya dibad-baxayaasha, si ay xaaladda u dajiyaan.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo qoraal soo saaray ayaa isna ka hadlay dibad-baxan, wuxuuna ugu baaqay Bajaajleyda inay dhowraan sharciga iyo nidaamka u yaalla dalka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shalay ay ballaameen iyaga iyo maamulka gobolka Banaadir, ayna haboon tahay inay sugaan inta laga xallinayo cabashadooda.
“Waxaan ugu baaqaya muwaadiniinta dagan Gobalka Banaadir gaar ahaan kuwa ku shaqeeysta Gadiidka loo yaqaano bajaajta inaad ilaalisaan nidaamka iyo Amniga Caasimada” ayuu yidi guddoomiye Yabooh
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waan balanay shalay waana lagu maqanyahay in cabashadiina laga jawaabo, hanoqon mid loo adeegsado in magaalada fowdo iyo qas laga sameeyo”.