Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga Via Uganda oo ah waddada isku xirta isgooska Dabka iyo waddada Dekadda, isla markaana dhex marta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.
Munaasabaddan dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir, guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda, isaga oo sheegay in wadadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo gaadiidka ganacsiga lagu sameyn doonno balaarin si loogu wada faa’ideysto.
Waxa uu xusay in waddooyinka caasimadda ee bulshada dhibaatada ku qabaan gaar ahaan waddada isku xirta isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan wax ka qaban doonno, si bulshada dib loogu celiyo canshuurta laga qaado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com