Dhimasho badan oo ka dhacday Itoobiya kadib markii…

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Wolaita ee koonfurta dalka Ethiopia ayay ku dhinteen ugu 13 qof, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay kor u kacdo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan deegaanka Wolaita.

Samuel Fola, oo ah maamulaha aagga Wolaita, ayaa sheegay in dad ka badan 300 oo qof laga daadgureeyay degmada Kindo Didaaye, waxaana weli deegaankaas ku sii hadhsan tiro dad ah oo aan la ogayn inta ay le’eg yihiin.

“Carruur ayaa ka mid ah dadka dhintay,” ayuu sheegay Samuel Fola. “Hadda waxaan daad-gureynay in ka badan 300 oo qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dhul go’ intan ka weyni.”

Gurmad aad u ballaadhan ayaa ka socda deegaanka Wolaita, sida ay sheegayaan maamulka gobolku.

Dhul go’an dhacay Isniintii ayaa u muuqda inuu ka sahlan yahay kii dhacay bishii hore, oo sababay geerida in ka badan 200 oo qof.

Ethiopia ayaa caan ku ah dhul go’yada, xilliyada ay da’ayaan roobabku, waxaana ay dhacaan inta u dhexeysa bilaha July illaa September.

VOA + AP



Source link