Muqdisho (Wararka Maanta) – Tan iyo markii uu soo baxay wareysiga La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, kaas oo soo jeediyay tallada dalka loo galiyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhalatay dood xooggan.
Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal kasoo saaray hadalka Cabdisaciid oo xukunkii Farmaajo si weyn ugu dhawaa madaxweynaha ayaa sheegay inay tani dhaawac weyn ku tahay hanka dib u doorasho ee Farmaajo.
Cali Yare ayaa sheegay in Farmaajo uu ninkaan ka dhigtay gacantiisa koowaad, balse uu god ku hubsaday maanta hoggaamiyaha N&N oo uu sheegay inuu u afduuban yahay cid gaar ah.
Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare
Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu Cabdi Saciid ka dhigtay gacantiisa koowaad waxeeyna isla gaareen heer uu udhiibto saddexda kursi ee loo yaqaanno “aaminaadda ugu sarreeysa ee madaxweynaha”.
• Agaasimaha madaxtooyada
• La-taliyaha amniga qaranka
• Wasiirka arrimaha dibadda
Hadana waa qofka gacantiisa koowaad ah aniga ogaalkeey.
Cabdi-Saciid wuxuu maanta banaanka la yimid taageeradiisa lixaadda leh, aan qarsooneeyn, uun ku faanayo taageeradiisa kooxda soomaalida iyo duniduba argagixisada u taqaanno ee dadkeennii xasuuqday.
Laga soo billaabo Juun 2006 markii kooxda Al-Shabaab la aas-aasay xisbiga Nabad iyo Nolol garabka Daacishteenna ayaa noqonayo garabka kali ah ee siyaasadeed, ee soomaali ah, oo ummada Soomaaliyeed horteeda ku sheegta, una bareera, taageeradooda kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab.
Nabad iyo Nolol garabka Asal ah iyo abuurkii xisbiga ah wuxuu hadalka kooxda garabka Daacish u arkaa mid ka turjumaya cadownimo guun ah ee uurkooda ku daxaleeysatay kaas oo ahaa midkii aan uga digeeynay inaanu ku qatalmin hoggaamiyaha xisbiga ee hadda afduuban.
Cabdi-Saciid wuxuu maanta Farmaajo ka saaray siyaasaddii dalka iyo hankiisii soo laabashada talada dalka.