DFS oo shaacisay in farriimaha ka imaanaya dowladda Itoobiya yihiin riyo maalmeed

Posted on

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay farriimo muddooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiirro katirsan xukuumadda Itoobiya, kuwaa oo sheegayay in Itoobiya ku saxan tahay heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiska ay gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa si weyn marar badan uga soo horjeesatay dowladda Soomaaliya, heshiiskaasi ayaana dhaliyay xiisad siyaasadeed oo labada dal soo kala dhax galay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in fariimo marin habaabin ah oo loo soo dhiibay wasiirro katirsan xukuumadda Itoobiya ay yihiin kuwa aan waxba u dhimeyn oo riyo maalmeed ah.

”Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethopia waa riyo maalmeed” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaana intaas kusii daray“ Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!”

Heshiiska ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaana wali fulin, waxa ayna labada dhinac mid kasta rejo ka qabaa in heshiiskaasi hirgalo, taas oo dowladda Soomaaliya iyana si weyn uga soo horjeedo in uu hirgalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link